Guddida ka hortagga iyo u diyaar garoowga xanuunka COVID 19 ee Soomaaliland ayaa Maanta waxaa ay soo saareen Warbixino la xiriira Coronavirus iyo xaaladihii u dambeeyey ee deegaannada Soomaaliland.
Xubnaha Guddiga oo Warbaahinta kula hadley Magaalada Hargeysa ayaa Bulshada ku nool Soomaaliland la wadaagay warbixin cusub oo la xiriirta xaaladda Caafimaad iyo waxyaabaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan, waxana ay soo saareen dhowr qodob oo muhiim u ah ka hortaga Cudurka COVID 19.
Guddiga ayaa sheegay in dhawaan deegaannada Soomaaliland la keeni doono oo la dalbay mashiinka lagu baaro Virus-ka covid 19 ee loo yaqaanno PCR,isla markaana dadkii ka shaqayn lahaa lagu soo tababaray dalka Kenya.
Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in Ilaa iyo hadda dhiig iyo dheecaanno laga qaaday 20 qof oo isugu jira dadkii ay la kulmeen labadii qof ee hore looga helay xanuunka iyo qaar lagu arkay astaamo u eg kuwa xanuunka Covid 19, ayna sugayaan natiijada maalmaha soo socda.
Sidoo kale xubno ka tirsan Guddida ka hortagga caabuqa Covid-19, ee Somaliland oo shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in ay dhamaystireen goob loogu talo galay in la dhigo dadka looga shakiyo caabuqa Koofidh-19.
Xaruntan ayaa laga hir-geliyey cusbitaalka Degmaga Berbera waxana ugu horeyn halkaasi ka hadlay isu duwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saaxil, Dr Bashiir Diiriye Jaamac, oo sheegay in xaruntaas loo dhamaystiray agabkii looga baahnaa, wuxuuna intaas ku daray in uu bogsadey ninkii dalka Shiinaha u dhashay ee hore looga helay xannuunka Korona fayras.
Waxa kale, oo halkaasi ka hadlay xubno ka mid ah gudida iyo dhakhaatiirta oo sheegay in ay wadaan wecyi-gelin ah sidii xanuunkaasi looga gaashaaman lahaa, isla markaana ay bulshadu uga taxadari lahayd goobaha ay bulshadu ku kulanto.
xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde iyo duqa magaalada degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka xogwaramay u diyaar-garowga iyo ka hortagga korona fayraska iyagoo bulshadana u soo jeediyey inay qaataan amarada ka soo baxaya guddiyada hawshan u xilsaaran.
Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan, oo bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil, kula dardaarmay inay feejignaadaan ka fogaadaan inay ku soo ururaan goobaha ay bulshadu ku kulanto, waxayna guddidu soo kormeertay qeybaha kala duwan ee ay kooban tahay xaruntaasi loo diyaariyey dadka looga shakiyo xanuunkaasi.