Guddiga ka hortaga COVID-19 Ee Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa maanta xaqiijiyey in xaalad kale laga helay xanuunka Corona Virus Kismaayo.
Kiiskani Cusub ee maanta laga helay xanuunka COVID-19 ayaa ah Wasiir kuxigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubbaland Mahad Muxiyadiin Maxamed.
Xaaladda guud ee Wasiir Mahad Asal ayaa ah mid wanaagsan waxaana uu maalmihii laso dhaafay isku karantiilay gurigiisa uu ka deganaa Magaalada Kismaayo.
Kiiskaan Cusub ma aysan ka hadlin Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo Warbixintii Maanta aysan soo gudbin.