Maanta waxaa Kismaayo ku laabtay Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Si diiran ayaa Buubaay dageenka Kismaayo loogu soo dhaweeyey iyadoo kadibna ay wadajir Saxaafada ula hadleen xubnihii lasocday Madoobe.
Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi iyo Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa la socday Axmed Madoobe Diyaaradii maanta Kismaayo ka degtay.
C/naasir Seeraar oo ka qeyb ahaa xubnihii Heshiiska Khamiistii Todobaadkii hore saxiixay ayaa kusoo haray Nairobi arimo Caafimaadkiisa ah iyo Qoyskiisa oo halkaasi kusugan.
Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in Seeraar uu dib ka imaan doono oo howlo gaar ah uga soo haray Nairobi,ayna rajo ka qabaan in heshiiskii la gaaray uu miro dhalo.