Wafdi ka socday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay Maanta gaareen Magaalada Jowhar.
Waxay Ujeedka Wafdigaan usocdeen aheyd kormeerka Sida Cudurka Covid 19 usaameeyey Deegaanada HirShabelle iyagoo halkaasi geeyey qalab caafimaad oo looga hortegayo cudurka corono.
Agabka Caafimaadk ayaa waxaa lagu wareejiyey Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dawlad Gobolleedka HirShabelle.
Qalabka waxaa wafdiga ka gudoomay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaad HirShabelle Muxuyadiin Mukhtaar Macalin waxaa uu ugu mahad celiyey Xukuumada Somaliya Deeqda aay u soo dirtay HirShabelle.
Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku tegay Xarunta Karantiilka Jowhar.