Dowladda Soomaaliya ayaa Agab Caafimaad oo loogu talo galay la dagaalanka iyo ka hortagga COVID-19 waxaa ay geysay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle.
Diyaaradda ayaa laba jeer Jowhar geysay Agabkaas,waxaana xogaha ay heshay risaala ay sheegayaan in Kharashka ku baxay Diyaaraddii tagtay Jowhar uu ka badan tahay Agabka Caafimaad ee Hirshabeelle lasiiyey.
Arrinta la yaabka leh ayaa noqotay in diyaarada siday agabka caafimaad ay labo jeer ka degtay magaalada Jowhar, iyada oo sida agab yar oo caafimaad, midaasi oo sarre u sii qaaday kharashka kirada diyaarada.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa iyagu laftigeedu arrinkaasi ku noqday mid layaab leh maadama agabka diyaaradu ay labada jeer ay ka dejisay magaalada Jowhar ay soo qaadi kartay halmar, maadama uusan aheyn agab badan oo caafimaad.
Agabka caafimaad ee dowladda federaalku ay ka dejisay Jowhar, ayaa la aaminsan yahay inuusan wax badan ka tari doonin dagaalka uu maamulkaasi kula jiro cudurka Coronavirus, oo uu maamulkaasi kaga geeriyooday Mas’uul sarre oo ka tirsanaa golaha wasiirada.
Waxaana xusid mudan in diyaarada markii labaad ee ay geysay qalabka caafimaada magaalada Jowhar ay siday xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo lagu eedeyo inay la wareegen shaqadii wasaarada caafimaadka Soomaaliya.
Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa todobaadkii hore ku shubtay qasnada maamulka Hirshabeelle lacag dhan 500-kun oo dollar oo qeyb ka ah 1-Milyan oo dowladu ugu deeqday maamul goboleedyada si ay ula tacaalan cudurka Coronaha, midaasi oo dhowaan dhalisay in magaalada Jowhar uu ka dhasho guux siyaasadeed oo is-khilaafsan.
Khilaad aad u adag ayaa ka dhex taagan madaxda Hirshabeelle,kaas oo salka ku haayo masuq maasuq hareeyay maamulka,waxaana hadda mooshin iska soo horjeeda gudbiyay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne Waare.