Ururka dhaqaatiirta Soomaaliya ayaa ka walaacsan habka Wasaaradda Caafimaadku Dowladda Faderaalka ah u la tacaaleyso Xanuunka Coronavirus oo dhibaato ku haaya guud ahaan Caalamka.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa lagu yiri “Si loo yareeyo khatarta cudurka iyo ku faafidiisa bulshada, Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku adkeynayaa in ay raacaan dhamaan talaabooyinka wacyigelinta ee loo jeediyay sida kala fogaanshaha, nadaafada guud”.
Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in masuuliyad la iska saaro lana qaato talooyinka caafimaad ee ku aadan ka hortaga cudurka COVID19.