Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay cadaallada hor keeni doonto cid kasta oo ku lug leh dagaalka ka soconaya deegaannada ku xeeran magaalada Walaweyn, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay dad biri-magayda ah.
Dagaalkaas ayaa waxa uu sababay in dad badan ay barakacaan, waxa uuna si gaar ah u saameeyay dadka rayidka ah oo qaarkood ay dhibaato lixaad leh soo gaartay.
Wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in ayaan darro ay tahay in dad masaakiin ah lagu laayo Walaweyn.
“Koley tallaabooyin ayaan qaadi doonaa, dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka ee oo is kaashaneyso cid kasta oo duullaankaas qaabka daran iyo dilalkaas qaabka daran abaabul u gashay oo ka dambeysa, haddey tahay qolo qoryo sidata kuwo ciidaan ah ama kuwo shacab ah ama odeyaal dhaqameed labada dhinac ah colaaddaas hurinaya haddey jiraan dowladda tallaabo ayay ka qaadi doontaa” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.