Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqayn ka dhacday deegaanka Muraarak ee Gobolka Shabeellaha hoose waxa ayna sheegtay in duqayntaasi lagu dilay 8 dagaale oo ka tirsan Xoogga xiriirka la leh Al Qaacida ee Al Shabaab.
Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa iska kaashaday howlgalkaan sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda Soomaaliya .
“Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa Duqeyn xalay ay ka sameeyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada hoose ku dilay 8 horjooge ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab” ayaa lagu yiri bayaanka.
Duqayntaan ayaa dhacday 5 April 2020,waxaana wali ka hadlin dagaalamayaasha Al Shabaab oo inta badan aan ka hadlin weerarada duqaynta ah ee ay u gaystaan Ciidanka Maraykanka.