Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1aad, ee ciidanka qalabka sida Col Xasan Cali Nuute Shuute iyo Garsoorayaal ka socda Maxkamadda Ciidamadda ayaa gaaray degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, si ay uga jawaabaan ficilo laga argagaxay oo laga soo warinayay Maalmihii la soo dhaafay Magaaladaasi.
Gudoomiyaha iyo saraakiisha ku wehlinaysay socdaalka ayaa waxaa degmada Wanlaweyn ku soo dhaweeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan halkaasi u tagay in ay kala dhexgalaan maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanadaasi.
Dagaalka dhacay Wanlawayn oo geysay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay qaar kamid ah tuulooyin hoostaga Walanweyn,iyada oo si kala gooni gooni ah ay dilal u dhaceen.
Taliyaha Amniga Ciidamada DANAB oo la hadlayay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa u sheegay in loo baahan yahay in dadka Walanweyn ay ku wada noolaadaan nabad.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay u dirtey in ay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamey,waxaana uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dadka loo dilo si arxandarro ah.
Dagaaladii ka dhacay degmada Walanweyn ee G/Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu dhalay in qof la dilo,kuwo la gowraco,kadibna meydkooda dab la qabadsiiyo taas oo dad badan ay aad uga caroodeen, waxaana halkaasi gaaray saraakiil ka tirsan Xeer ilaalinta ciidanka Qalabka sida.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Xildhibaanada labada gole ee Dowladda iyo siyaasiyiin ayaa ku baaqay in dagaalkaasi sida uga dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisada u dhaxaysa beelaha lagu dhameeyo wada hadal iyo isqancin.