Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidanka ilaalada u ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed laga kaxeystay.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in amar ka soo baxay taliska Ciidanka Xoogga dalka Sheikh Shariif looga kaxeystay labo gaari oo ciidan saaran yahay kuwaas oo qaarkood la xiray halka kuwo kale dib loogu celiyay talisyadooda.
Lama soo sheegin wax tallaabo ah oo uu ilaa iyo hadda qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif,kaas oo maalmihii u dambeeyay cadaadis xooggan kala kulmayay Dowladda Federaalka.
Dhawaan gaari Boolis oo ciidamo saaran yihiin ayaa rasaas ku furay Difaaca hore ee laga ilaaliyo guriga Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu ka degan yahay magaalada Muqdisho,taas oo muran badan dhalisay.
Dowladda Farmaajo ayaa fara kulul ku heysa madaxweynayaashii hore sida Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif oo hadda ka hor Garoonka diyaaradaha laga celiyay xilli ay ku sii kala jeedeen Kismaayo iyo Baladweyne.