Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle ayaa la xiray, sidda ay xaqiijisay wasiir Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur.
Fowziya oo warbaahinta kula hadashay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegtay Mr Buulle lagala baxay hoygiisa 4-tii April, sanadkan 2020, xili saq dhexe ah, balse ma aysan sheegin sababta loo xiray Masuulkaan.
Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, wasiir Fowziya ayaa shaaca ka qaadey “in aan lala wadaagin sababta loo xiray” balse waxa ay balanqaadey in ay la shaqeyn doono cid kastoo ay quseyso xiritaanka Masuulka.
Wasiirada ayaa sheegtay in Xeer ilaaliyaha qaran ,Hantidhowrka iyo Cid walba oo gacan ka gaysa kara ay kala shaqaynayaan soo daynta Masuulkaan.
Waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay baaritaan waafi ah oo lagu sameeyo Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hanti dhowrka Guud ayaa sheegaya in Agaasimaha loo heysto arrimo la xiriira musuq maasuq.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Agaasimaha la weydiinayo su’aalo la xiriira halka ay ku maqan yihiin lacagahaas, waxaana labo maalin ka hor Hantidhowrka Guud uu baaritaan ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xarigiisa.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in lacagaha maqan ay yihiin lacago loogu tala galay arrimaha caafimaadka iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo ay bixiyeen Hey’addaha UN-ka.
Majirto wax wara oo ka soo baxay hay’adaha amaanka iyo Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka oo looga hadlay xariga Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle oo maalinkii labaad ku xiran Magaaladda Muqdisho.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=7iow9J3t1eg?feature=oembed&w=696&h=392]