Gurceel:-Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa la sheegay inuu ka taagan yahay muran soo kala dhex galay Taliyaha booliska degmadaas iyo ganacsato shalay laga gubay qaad.
Taliyaha booliska degmada Gurceel oo ka hadlayey goobtii lagu gubay qaadkaas ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen, iyadoo magaalada si dhuumaaleysi ah lagu soo gelinay.
Ganacsatada qaadka laga gubay ayaa iyaguna dhankooda ku doodaya in si gaar ah loo beegsaday, isla markaana dadkii uu isku mar qaadku u yimid aan laga taaban, halka iyagana laga gubay, taas oo ay sheegeen in aysan marnaba u cuntameyn.
Weriyaal ku sugan Gurceel ayaa sheegay in arintaasi ay xalay ilaa shalay guux badan ka abuurtay magaalada, isla markaana haatan laga cabsi qabo in ay gaarto gacan ka hadal.