Post View....

Agaasime ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo loo xiray kiis musuq-maasuq oo culus+Magaca

0
49

Warar ay heshay badweyntimes ayaa sheegaya in Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Maxamed Buulle ay Ciidamada Booliska ka xireen gurigiisa.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hanti dhowrka Guud ayaa sheegaya in Agaasimaha loo heysto arrimo la xiriira musuq maasuq.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Agaasimaha la weydiinayo su’aalo la xiriira halka ay ku maqan yihiin lacagahaas, waxaana shalay Hantidhowrka Guud uu baaritaan ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xarigiisa.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in lacagaha maqan ay yihiin lacago loogu tala galay arrimaha caafimaadka iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo ay bixiyeen Hey’addaha UN-ka.

Waxaa kaloo la sheegayaa in Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka la tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha arrimahan musuq maasuqa ah, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in lacagtaas loo isticmaalay Adeegga Ganacsiga Online-ka ee Forex.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Hanti dhowrka Guud ee Qaranka iyo Laanta Dambi baarista Booliska oo ku aadan xarigga agaasimahan iyo wararka sheegaya lacagaha la musuq maasuqa ee loo heysto isaga iyo inay jiraan Mas’uuliyiin kale oo ku lug leh.

 

About Author