Post View....

Madaxweyne Galmudug oo amray in la xiro xuduuda uu Qaadku ka soo gudbo ee Itoobiya.

0
70

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay sida maamulkiisu uu ugu diyaar garoobay ka hor tagga cudurka Coronavirus, isagoo soo saaray amarro lagu joojinayo qaadka, kuna taliyey in la yareeyo isku socodka dadweynaha.

 

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in xukuumadiisa ay mas’uuliyad ka saaran tahay badbaadinta bulshada, sidaas darteedna dadka reer Galmudug laga doonayo inay sidooda u dhaqan-geliyaan wixii uu maamulku u arko in looga hor tegi karo Coronavirus.

“Waxaan farayaa saraakiisha amniga Galmudug in ay xiraan xuduudaha ay la wadaagto Itoobiya, waxaan sidoo kale joojinay qaadka mana aqbaleyno in hubinta caafimaadka la sahlado” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale bulshada reer Galmudug ka dalbaday inay yareeyaan isu socodka, isla markaana ay guryahooda ku nagaadaan intii awooda, si looga hortago in Coronavirus uu si fudud ugu dhex faafo bulshada.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa kusoo aadaya, iyadoo shalay fagaare ku yaalla magaalada Gurceel lagu gubay qaad aad u badan oo laga keenay dalka Itoobiya, kaas oo laga soo gudbiyey xuduuda dhulka ee gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya.

Dhanka kale Galmudug ayaa ka mid aheyd gobolo aan badneyn oo maalmihii lasoo dhaafay uu qaadku tegi jiray, iyadoo ay xusid mudantahay in xamuul uu ku jiro oo si maalinle ah dalka u soo geli jiray ay dowladda Soomaaliya mamnuucday, iyadoo laga cabsi qabo cudurka Coronavirus.

About Author