Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay sidii loo kala dhexgeli lahaa Maleeshiyo beeleed saacadihii lasoo dhaafay dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay ku dhexmaray Gobolka Galgaduud.
Waxaa jira Xiriir madaxda Maamulkaas ay la sameeyeen qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka oo ay uga dalbadeen sidii loo kala dhexgali lahaa labada maleeshiyo beeleed ee isku hor fadhisa deegaanka Furinta Foora.
Cali Xaaji Axmed Ilka dahab oo kamid ah Odoyaasha saxiixayaasha Galmudug ee wax kasoo dhisay Dowlad Goboleedkaas ayaa Mustaqbal u sheegay in ay dadaal uga jiraan sidii xabad joojin ay u kala dhex dhigi lahaayeen labada dhinac.
Waxa uu Dowlad Goboleedka Galmudug ka dalbaday in Ciidamada 21-aad ay geyso Deegaanada ay isku hor fadhiyaan, haddii ay ku guuleystaan xabad joojinta ay wadaan inta wada hadalka ay ku jiraan, si dagaalka uusan dib u bilaaban.
“Waxaan saakay dadaal uga jirnaa sidii aan u kala dhexgeli lahayn dhalinyarada dagaalameysa, doorkeenu waa in aynu kala dhexgalno, Galmudug waxaa laga doonayaa in ay ciidamo geyso si ay dhaqangeliyaan xabad-joojinta mudada waan-waanta ay socoto” ayuu yiri Cali Xaaji Axmed.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo la hadlay Mustaqbal waxa uu soo jeediyay in shuruud la’aan la joojiyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.
“Waa wax laga xumaado in xiligaan la maqlo dagaal beeleed, dhalinyaradu haka fakiraan aayahooda adduun iyo tan aakhiro, dagaal sokeeyo horumar iyo faaiido midna laguma gaaro, waana in uu shaqeeyaa caqliga wanaagsan” ayuu yiri Carabey.
Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Madaxda Talada heysa waxa aan kala hadlay sidii ciidamada 21-aad loo kala dhex-dhigi lahaa Maleeshiyo beeleedka, dadaalada nabad raadinta waa mid guud socota, qof waliba wuu dareensan yahay waxa laga dhaxlo dagaal, waana in shuruud la’aan loosoo afjaraa colaadda”.
Dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Furinta Foora waxa uu sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 10-ruux iyo dhaawaca dhowr iyo labaatan, waxaa deegaanadooda ka barakacay qoysaska danta yar si aysan waxyeelo u gaarin.