Hay’adda UNFPA ee hoostagta Qaramada midoobay ayaa wax laga Xumaado ku timaantay 2 gabdhood oo da’ yar ah ku waas loogu kufsaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose 30 maarso sanadkaan 2020.
“ UNFPA Somalia waxay si xoogan u cambaareyneysaa afduubka iyo kufsiga labada hablood ee da’da yar, oo da’doodu tahay saddex iyo afar jir markii ay ku ciyaarayeen 30-kii Maarso 2020 magaalada Afgooye, Gobolka Sh / Hoose, Soomaaliya”.
Hay’addu waxa ay sheegtay in gabdhaha la dhigay isbitaal iyagoo ku jira “xaalad halis ah” sida ay ku warantay hay’adda UNFPA ee Qaramada Midoobay kana shaqaysa Caafimaadka.
Waxa ay sheegtay UNFPA in ay garab taagantahay gabdhaha Soomaaliyeed iyo goosaskooda waxa ayna ku baaqday in Cadaaladda la horkeeno dadka tacadiyada u gaysta gabdhaha Soomaaliyeed si “Sharciga wuxuu muhiim u yahay ka hortagga iyo la tacaalida dambiyada galmada” ayaa lagu yiri qoraalka.
UNFPA qaybteeda Soomaliya waxa ay ku talisay in la xoojiyo sharciyada xaquuqsiinta maadaama haweenka iyo gabdhaha ay wali halis ugu jiraan la kulanka rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo halista dhaqannada xun xun ee lagu naafaynayo dumarka Soomaaliyeed.
30-kii Maarso 2020 magaalada Afgooye, Gobolka Sh / Hoose laba gabdhood oo aad u da’ yaraa waxaana Xukumada Soomaaliya ay sheegay in ay Maalgaliyeen hay’ado shisheeye si loo dilo Magaca Soomaaliyeed sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.