Post View....

Guddoomiyaha Aan Xilka La Wareegin Ee G/Hiiraan Oo Kulamo Ka Bilaabey Beledweyne…..

0
68

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan,balse aan weli xilka la wareegin Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta kulankii ugu horeeyey waxaa uu la qaatey Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha Ammaanka.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa saaka tegay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan oo uu qeyb kamid ah ku sugan yahay Guddoomiyihii xilka laga qaadey ee gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale,isaga oo kualmo ka bilaabey.

Kulanka ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa sidii loo soo dhawyen lahaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan,iyada oo ay goobjoog ka yihiin,Xubnaha kale ee Maamulka Gobolka,kan Beledweyne,laama amniga iyo kuwa Garsoorka.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo kulanka ka hadley ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wada-hadal si xal looga gaaro khilaafka dhinaca Maamulka ah ee ka taagan Magalada Beledweyne.

 

About Author