Post View....

XOG:Xasaradda Siyaasadeed ee katagaan Galmudug & Jubbaland suuragal ma tahay in ay sababto dagaal dhexmara ciidanka XDS?

0
84

Khilaaf Siyaasadeed oo salka kuhaya Natiijada doorashooyinkii Agosto-2019 & Feb-2020 ka kala dhacay Kismaayo iyo  Dhuusamareeb ayaa ka taagan labadaas dowlad-goboleed, labadaba waxaa ku lug leh xukuumadda dhexe ee Soomaaliya, dowlad-goboleedka Jubbaland iyo ASW oo uu ku metelayo madaxa xukuumadda gaarsiinta ee Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir  Cali Xasan

   Dhuusamareeb: 

Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Maraykanku tababaray ee Danab ayaa habeenkii Arbacada waxa uu galay xarumaha Saldhiga Booliska,Bangiga dhexe iyo Xarunta Degmada, Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa u sheegay Badweyn  in cutub katirsan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Danab oo wata gaadiidka Dagaalka ay ku hoydeen Xurumaha Muhiim ah ee Magaaladda Dhuusamareeb oo ay horay u joogeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo codsaday in aan magacooda la adeegsan ayaa Badweyn u sheegay in ay  in Ciidamo ka amar qaata Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay doonayeen in ay xoog kula wareegaan Xumaha Dowladda ee Magaaladda Dhuusamareeb, waxa jira dadaal socda oo ku saabsan in ay Maamul Cusub loo dhiso Dhuusamareeb kaas oo meesha ka saaraya kan hadda jira ee oo loo arko in uu billow illaa dhammaad raacsan yahay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, taasna waxa lagu sheegay in ay tahay sababta ciidanka Dowladda loo geeyay Xarunta Degmada Dhuusamareeb.

Sababta loo beddelayo maamulka caasimadda Galmudug ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha  Dhuusamareeb Nuur Cilmi Cabdulle uu iska diiday in uu ka qaybgalo kulan Madaxweynaha sugaya in xilk alagu wareejiyo ee DGGalmudug  Axmed Cabdi Kaariye lagu taageerayay, Doorashii ka dhacday Dhuusamareeb ee Dowladda Soomaaliya ay garwadeenka ahayd iyo kulan Madaxweyne oo Qoorqoor dhawaan la qaatay Waxgaradka Galmudug oo guddoomiyaha lagu Casuumay, taas oo muujisya in maamulka degmadu uusan la jaanqaadi karin isbeddelka cusub, odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb qaarkood ayaa Madaxweynaha Galmudug waxa ay u soo jeediyeen in uu Xilka ka qaado Gudoomiyaha Magaaladda Dhuusamareeb oo markiisii hore ku yimid magacaabista sheekh Shaakir .

Kismaayo

Dowlad-goboleedka Jubbaland guud ahaan waxaa kataagan xasarad siyaasadeed oo salka ku haysa doorashadii madaxweyneyaasha badan dhashay ee Jubbaland oo kadhacday Kismaayo Agosto-2019, khilaafka xariggii wasiirka Amniga Jubbaland oo isna dhacay Agusto-2019 iyo hannaanka wadashaqeynta dowladda dhexe ee DG Jubbaland.

Xarigii ay dowladda federaalka garoonka weyn ee magaalada Muqdisho ugu geysatay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur “Janan”, oo ah wasiirka amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, ayaa xaaladda sii cakiray, wuxuuna sii xoojiyay xiisadda.

Dowladda dhexe ayaa Cabdirashiid ku eedeysay inuu geystay “dambiyo waaweyn”, laakiin guddiga amniga ee Jubbaland ayaa xarigiisa ku tilmaamay “afduub”.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay sanadkii 2017-kii ayaa Cabdirashiid Janan ku eedeysay inuu Soomaaliya ka sameeyay jirdil iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dowladda dhexe waxa ay ciidan ku daadgureysay gobolka Gedo oo lagayaabo in uu noqdo halka uu kadhici karo gacan kahadal hubeysan oo dhexmara ciidanka xoogga dalka oo kala taageeraya Dowladda dhexe iyo DG Jubbaland.

Gen. Cabaas Ibraahim Gureey oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo oo la hadlayay Askar katirsan Daraawiishta Maamulkaas waxa uu kaga digay dagaal ka dhaca Gobolkaas.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmo kahor sheegay in Dowladda Federaalka ay waddo dhaq-dhaqaaqyo, dhankoodana ay ku jiraan abaabulka Ciidamada Dowlad Goboleedkaas.

Haddaba Xasaradda Siyaasadeed ee katagaan Galmudug & Jubbaland suuragal ma tahay in ay sababto dagaal dhexmara ciidanka dowladda?

Isha: Falanqeynta Badweyntimes.com

 

About Author