Post View....

XOG: Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo loo xiray xiriirka Al-Shabaab

0
61

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ay xireen mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada oo looga shakiyay inuu wada shaqeyn dhow la leeyahay Xarakada Al-Shabaab.

Sarkaalkaan oo aan magaciisa la sheegin ayaa lagu xiray xabsi ciidamada nabad sugida ku leeyihiin gudaha Madaxtooyada,waxaana hadda ku socda su’aalo weydiin ku aadan eedeynta lala xiriiriyay.

Waxaa shaki ku jirin iney jiraan rag mansab kala duwan ku leh Dowladda Federaalka oo xiriir ama wada shaqeyn kala dhaxeyso Al-Shabaab,sida marar badan ay sheegeen madaxda Dowladda Federaalka oo ugu horeeyo madaxweyne Farmaajo.

Laamaha amniga ayaa u xiran xubno dhowr ah oo arrimahaas lala xiriiriyay,kuwaas oo maxkamad sugayaal ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa degan madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana ammaankooda qaabilsan guutada 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo loo yaqaano Goofi gaduud.

About Author