Post View....

XOG: Odawaa oo shaaciyay hal arrin uu ku dhaqaaqi doono ka dib guuldaradii Galmudug

0
56

C/raxmaan Odawaa oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in hadda uu ka shaqeyn doono isku keenida maamulka Galmudug oo saddex garab ukala jabay ka dib doorashooyin kala duwan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Odawaa oo hamiga ka lahaa madaxtinimada Galmudug ayaa u suurta gelin inuu ka qeyb galo doorashada ka dib markii isaga iyo musharaxiin kale ay la dhici waayeen hanaanka iyo habraaca doorashada lagu galayay iyo eedo ay tirsanayeen ayaa ka dib guushii Qoor Qoor shaaciyay inuu noqon doono nabadoon ka shaqeeya Galmudug oo mid noqota.

Sida muuqata hadda saddex madaxweyne ayaa ka soo baxday doorashooyinkii kala duwanaa ee siyaabaha kala duwan uga kala dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo,inkastoo Beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka ay aqoonsan yihiin doorashadii uu shalay ku soo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,taas oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa wali cadeyn mowqifkooda doorashada Galmudug,waxayna ku gaabsadeen iney ka aamusaan,marka laga reebo C/kariim Xuseen Guuleed oo u hambalyeeyay inuu Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Dowladda Mareynkanka ayaa sheegtay iney aqoonsan tahay doorashadii uu ku soo baxay madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Qoor Qoor,waxayna ku baaqday in si siman loo dhammeeyo tabashada jirta.

About Author