Post View....

XOG: DF oo amar ku bixisay in aragti lagu toogto Wasiirka amniga Jubbaland Mr. Janan

0
51

Wararka saakay oo Axad ah naga soo gaarayo magaalada Baladxaawo iyo guud ahaan gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo saan saan iyo xiisad dagaal oo u dhaxeyso ciidamo kala taageersan Wasiir Janan iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in saacad kasta la filan karo dagaal dhexmara labada ciidan ee isku horfadhiya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Saan saan dagaal ayaa laga dareemayaa degaanno iyo degmooyin ka tirsan  Gobelka gedo, sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaal ku sugan Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha ciidamada HARAM-CAD ayaa amar ku bixiyay in aragti lagu dilo Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan oo hoggaaminaya ciidamo dagaal ku soo qaaday Baladxaawo.

Balad-xaawo iyo Dooloow ayaa sida la sheegay waxaa laga dareemaa saan-saan dagaal, waxaana hoggaaminaya ciidanka wasiir Janan.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa jiray dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayay degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana jirtay in dowladdu ay halkaa ciidammo farabadan ku daabulaysay.

About Author