Post View....

XOG Culus:Gooni isu-taag noocee ah ayey Puntland qorsheyneysaa inay ku dhawaaqdo…?

0
66

Waxaa soo baxaya qorsha uu wado maamulka Puntland oo ku saabsan inay ku dhawaaqo &GOONI-ISU-TAAG& nooc cusub ah oo ay xiriirka ugu jareyso dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Sida laga soo xigtay siyaasiyiin iyo ilo ku dhow Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni qorshahan ayaa in muddo laga shaqeynayey, kadib markii lagu guuldarreystay wadahadallo hoose oo u socday Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Puntland, iyadoo ay muuqato inay Puntland kasoo hartay maamul Goboleed ka baxsan saameynta dowladda Soomaaliya.

Puntland oo sheegata inay tahay DOWLAD waxay qorsheyneysaa inay ku dhawaaqdo &Gooni isu-taag& ay arrimaheeda si gaara u maamulaneyso, iyadoo joojineysa dhammaan xiriiradii iyo wada-shaqeyntii ay la lahayd dowladda Federaalka ee hadda jirta, inta ay ka fulineyso heshiisyo ay wada-galeen Puntland iyo dowladda Federaalka, wuxuuna Puntland go’aankani ka dhigayaa sida Somaliland oo kale, balse ogol midnimada dalka.

Madaxweyne Deni ayaa ku baaqay shir guud oo Puntland go’aan uga gaarto arrimaha dowladda federaalka, waxaana shirkaasi loogu baaqay inay kasoo qeyb galaan xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Puntland, shirka oo Garowe ka dhici doona bartamaha bisha soo socota ee Maarso ayaa la filayaa in lagu shaaciyo go’aankan.

Dowladda federaalka ayaa la wareegtay maamul Goboleedyada dalka, waxaana ugu danbeeyay Galmudug oo uu ku soo baxay musharixii ay wadatay dowladda, iyadoo qorshihii ugu danbeeyay ee Jubbaland uu ka bilaabanayo Gobolka Gedo, taasoo Puntland ka dhigeysa maamul Goboleedka kaliya ee ka badbaaday saameynta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Ma cadda in go’aankan ay isku raaci doonaan siyaasiyiinta Puntland iyo sharci ahaan halka uu salka ku hayo. laakiin waxaa la wada ogyahay in Puntland ay dhammaan dowladihii dalka soo maray mid waliba dhowr jeer xiriirka u jartay, arrintuna ay kasii darto marka ay doorashada Federaalka soo dhowaato.

 

About Author