Post View....

XOG: Cabdi Qeydiid oo soo xera gelinaya Xaaf & Villa Somalia oo dabin u dhigtay

0
61

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada laga soo doortay Gaalkacyo u adeegsaneysa iney meesha ka saaraan madaxweyne Xaaf oo wali sheegaya inuu yahay madaxweynaha Galmudug,maadama haatan uu jiro madaxweyne la aqoonsan yahay.

Sida aan xogta ku helnay,xildhibaanada loo diray Xaaf iney war cad ka keenaan waxaa ka mid ah Senator Cabdi Qeybdiid oo ay isku heyb yihiin Xaaf,islamarkaana dhaqaalo badan ay ku siisay Villa Soomaaliya sidii uu madaxweyne Xaaf u qancin lahaa.

Senator Cabdi Qeybdiid oo isaga laftiisa raali ka ahayn waxa ka socda Galmudug iyo sida ay Dowladda Federaalka wax u sameysay ayaa hadana ku qasbanaaday inuu taageero hanaanka ay raaliga ka yihiin Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ee lagu dhisay magaalada Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay Xildhibaano kuwaas oo ugu dambeyntii doortay guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku-xigeenka,wuxuuna Axmed Ducaale Geele Xaaf shaaciyay inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee Galmudug.

Madaxweynaha la doortay ee Galmudug ee ay aqoonsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay inuu la imaanayo siyaasad cad oo wax ka bedeleysa hab dhaqanka Galmudug.

About Author