Post View....

XOG: Arrimo ku qasbaya Axmed Madoobe inuu Xafiiska baneeyo oo soo kordhay + Aqri

0
60

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ku dhow inuu xafiiska isaga tago haddii aan wax laga bedel dhab dhaqameedka aan wanaagsaneyn ay la soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maamulka Jubbaland saartay cadaadis xooggan oo ku saabsan mid dhaqaale,amni iyo waliba mid siyaasadeed,kuwaas oo sababay iney go’doon galaan shacabka Jubbaland.

Ilo wareedyo ku dhow madaxweynaha ayaa inoo sheegay in dacwad dhowr ah oo uu ka gudbiyay Maamulka Farmaajo uu ku guuleysan waayay in wax laqala qabto,islamarkaana laga qaado culeys la saaray.

ka dib doorashadii dhammaadka sanadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa qasabtay in maamulka Jubbaland la saaro culeys dhinacyo badan oo kaga imaanayay Dowladda Dhexe iyo Beesha caalamka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo kulamo magaalada Nairobi kula yeeshay wakiilada Beesha caalamka Soomaaliya ayaa u sheegay iney jiraan caqabado badan oo uu wajahayo maamulka Jubbaland,kaas oo ku aadan in go’doon la geliyay,taas oo mas’uul ay ka tahay Dowladda Federaalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaantay natiijada doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo,taas oo mar kale dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo mudo 7-sano ah xukumaya Jubbaland.

About Author