Post View....

XILDHIBAAN ODOWAA: Musharaxii &Isma hubo’darteed uga haray Doorashada Galmudug. [Faaqidaad]

0
66

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) waxay dad badan u heysteen inuu kusoo bixi karo doorashada Galmudug, isagoo taageero badan ka heli karay dhinacyada kala duwan ee Galmudug marka laga reebo xukuumadda Nabad &Nolol.

Tan iyo markii uu 31 Ogost 2019 ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug waxay xaaladiisu soo martay heerar kala duwan ilaa markii dambe uu hoos u dhac weyn ku yimid, kadibna intii aanu doorashaba gelin ay laftiisa la noqotay in laga adkaanayo, sidaasina uga mid noqday musharixiinta mucaaradka ee dibad joogga ka ah Doorashada Berri la filayo inay ka dhacdo Dhuusamareeb.

Waxaan qormadan ku faaqideynaa xaqiiqada musharaxnimada Xildhibaan C/raxmaan Odowaa, fursadihiisii, caqabadaha ka hor yimid, iyo halkii uu ku danbeeyay hankiisii hoggaanka Galmudug.

FURSADIHII MUSHARAX ODOWAA

Xildhiban Odowaa wuxuu bilo ka hor ahaa musharaxa ugu weyn ee u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug, waxaana cabsi weyn ka qabay madaxda dowladda Soomaaliya oo xilligaasi aan isku raacin xitaa musharixii ay taageeri lahaayeen.

Waxaa kaloo uu heystay fursad ah in beesha uu kasoo jeedo kaliya ay ku tartameysay oo beelihii kale ee H/Gidir ay uga hareen markan inay tartanka si xoog leh usoo galaan, taasoo aan hore u dhicin, marka lagu daro inuu ahaa nin dhalinyaro ah oo loo han weynaa, isla markaana wasiir iyo xildhibaan soo maray, rajaduna ahayd inuu Galmudug isu keeni karo.

Markii waqtigu is guray waxaa yimid isbedel weyn oo hoos u dhigay rajadiisii, waxaana sabab u ahaa:

ODAYAASHA IYO NIDAAMKA XULISTA BAARLAMAANKA

Xukuumadda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay odayaasha Beelaha Galmudug, waxayna intooda badan qeyb ka noqdeen mashruucii N&N ee maamul u sameynta Galmudug, iyagoo soo xulay xildhibaanno si adag lagu keenay oo aan rajo badan laga qabin inay yeeshaan rabitaan ka duwan kooxdii soo qoratay, taasoo noqotay jugtii ugu weyneyd ee rajo beelka ku riday Musharixiinta Mucaaradka ee Odowaa ka mid ahaa, markii Dhuusamareeb la tegayna waxaaba soo baxday in Musharixii weynaa ee Odowaa uu ka rajo fiican yahay Musharaxa kale ee Kamal Guutaale.

Doorashada hadda ka socota Dhuusamareeb wax badan kama duwana doorashadii ay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud ee uu wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa Odowaa ka sameysay Magaalada Cadaado sanadkii 2015, waxa kaliya oo ay ku kala duwan yihiin ayaa ah iyo xukuumadii Odowaa ay gacan u yeelan weyday odayaasha dhaqanka oo ay isku halleeyeen dhaqaalihii uu watay musharaxoodii C/kariin Guuleed oo 9 cod uga guuleystay Axmed Macalin Fiqi.

Musharax Odowaa iyo saaxiibadiis kale ee mucaaradka ahaa ee isku sharxay hoggaanka Galmudug waxay is arkeen iyagoo aan heli karin taageerada xildhibaanno ka baxsan kuwa Ahlu suna oo iyagiina markii kooxdooda loo awood sheegtay qas u eg Bannad& ka abuuray Doorashada, kadib markii la doortay guddoonka Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

CABSI XILEED

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa kuma dhiiran inuu dagaal siyaasadeed iyo tartan la galo musharaxa Dowladda Soomaaliya, mana sameyn olole weyn oo doorasho, marka laga reebo dhalinyaro ay haween ka dhex muuqdaan oo uu Dhuusamareeb geeyay; kama muuqan inuu kharash Doorasho heysto, iyadoo xisbiga uu kasoo jeedo ee UPD oo la filayey inay taageeraan, laakiin wuxuu isla markiiba u muuqday nin ishaa-falateynaya oo xilkiisa xildhibaan ee federaalka ka door biday Doorashada aanu isku hubin.

Cabsi ah inuu xilkiisana ka tago, kuna fashilmo Doorashada Galmudug ayaa keentay inuu isaga biiro golaha isbaheysiga musharixiinta mucaaradka ee aan tabarta lahayn, waxayna ka badin waayeen War-saxaafadeedyo joogto ah oo aan waxba bedeleynin.

Laga yaabee haddii uu go’aan adag qaato oo si rasmi ah tartanka u galo inuu Musharax Odowaa wax weyn ka keeni lahaa doorashada, una yeeli lahaa muuqaal ka duwan kan ay maanta yeelatay.. laakiin wuxuu doortay inuusan is-biimeyn.. &Fulow Guuli kuu dhoweydaa.

HIIL U RAADSIGA AHLU SUNA

Musharax Odowaa iyo musharixiinta la jirta ee saddexda ah, waxay u hambalyeeyeen, soona dhoweeyeen Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug, taasoo micnaheedu yahay inay si sharci ah u aqoonsadeen, raalina ka ahaayeen sidii lagu doortay, laakiin waxay haddana ku lug darsadeen oo hiil u raadsadeen Ahlu suna, markii ay qalalaase ku abuurtay Guddigii Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Ma jirin wax ay ku midoobi karaan Ahlu suna iyo Musharixiinta isbaheystay ee mucaaradka marka laga reebo inay labada dhinacba u muuqatay inay ku fashilmayaan doorasho kasta oo ay galaan, sidaas darteedna ay halkaas ku joojiyaan geedi socodkii Doorashada haddii wax uun is bedelayaan, taasoo iyaduna ku dambeysay in Ahlu suna madaxweyne doorato, musharixiintii Odowaa ka mid ahaana bannaanka kusoo dhaceen.

Musharax Odowaa sida muuqata wuxuu ku laaban doonaa Baarlamaankiisii Federaalka, iyadoo Ahlu suna iyo Xaaf-na ay gorgortan la geli doonaan Musharaxa ku soo baxa Doorashada Berri ee la sii ogyahay, markaas oo ay taariikhda u geli doonto inuu ka haray Doorasho aanu isku hubin.

 

About Author