Post View....

Xildhibaan Ka tirsan barlamaanka Kenya “Madoobe ma ahan Kenya..”

0
63

Xildhibaan Moses Kurie oo ka tirsan Barlamaanka dalka Kenya Kuna Matala Madaxwaynaha dalkaas Uhuru ayaa Dhaleeceyn u jeediyey Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya.

Qoraal uu kusoo qoray Bartiisa Twitter-ka ayuu sheegay in siyaasadda Kenya ee Arrimaha Soomaaliya ay tahay Mid qar iska Tuurnimo ah oo ay sameeneyso Wasaarada Arimaha Dibada Kenya.

Waxaa uu sheegay in siyaasada Kenya ee Soomaaliya kaliya aysan ahayn Jubaland Balse loogu Baahan yahay Wasiirka arimaha dibada Raychelle Omamo in ay la timaado Siyaasad aan ahayn tan wasaarada arimaha Dibada dalkaas.

“Jubaland ma noqon karto qodobka kaliya ee qeexaya siyaasadeena Soomaaliya, Waxaan ugu baaqayaa Raychelle Omamo inay qeexdo siyaasadeeda arrimaha dibedda oo aysan ku Shabadeyn siyaasadii ay ka dhaxashay wasaarada,Madobe ma aha Kenya”.ayuu kusoo qoray Bartiisa.

Mudanahan ayaa sidoo kale ka hadlay weerarada Alshabaab ay ku hayaan dalka Kenya waxaana uu sheegay inaysan ahayn wax la qaadan karo arintaas iyadoo ciidamada Somaaliyana ay joogaan Mandheera.

“Alshabaab waxaa ay weerarayaan Laamu, Ciidamada soomaaliyana Waxaa ay ku socdaan Mandheera ma ahan wax la qaadan karo, Waxaan heysanaa Dhibaatooyinka Nagu Filan anaga.”

Dadka kenyaanka ayaa walaac ka muujinaya Xiisada ka taagan Xuduuda iyo in Ciidamo Daacad u ah Cabdirashiid Janan ay Joogaan Mandheera.

Xildhibaan kale oo laga soo doortay Mandheera ayaa kol hore dhaliil u jeediyey Kenya waxaana uu sheegay in Ciidamada Janan ay qalqal galiyeen Amaanka Mandheera.

Raychelle Omamo ayaa dhawaan Xilka kala wareegtay Wasiirkii Hore Monica Juma Taas oo la xasuusto in siyaasad arimaha dibada Soomaliya ay sameyn xoogani ku yeelatay sanadkii hore ee 2019-kii.

About Author