Post View....

Weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay London

0
74

Booliiska Britain ayaa daboolka ka qaaday inay ku toogteen nin Koonfurta magaalada London ka gadaal wax ay rumaysan yihiin fal la xiriira argagixisnimo.

Waxay sheegeen in ugu yaraan laba qof mindi uu ku weeraray ninku wado aad u mashquul badan oo ku taal degmada of Streatham.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in nin la wata abley uu galay dukaan ka dibna dadka ku weeraray, isagoo markaasi ka dibna inta ka soo baxay dukaankii ayuu haweenay baaskiil wadata uu tooreyii daray ka hor intii aan laga hortagin.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa rasaaseed. Booliiska ayaa sheegaya inay hadda xaaladda gacanta lagu hayo.

Xigasho:BBCSomali

About Author