Post View....

Wafdi ballaaran oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho & Madaxtooyada Somaliya oo faah faahisay

0
60

Wafdi uu heerkiisu sareeyo, kana socda Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu wadaa inay maalin ka dib soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo maalinta Talaadada ku soo wajahan Caasimadda Muqdisho ayay booqashadooda la xiriirtaa, sidii loo xoojin lahaa wecyigelinta ku aadan baahida loo qabo in la kordhyo maalgashiga waxbarashada ee dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa Hidaha & Dhaqanka Soomaalida.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdigan ay Aqalka Madaxtooyada Somaliya kula kulmi doonaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo daneeye-yaasha Somaliya.

Geba-gabada shirkan ayaa waxaa jiri doono shir jaraa’id oo ay tahay inay dhinacyadan ku qabtaan Villa Somalia, iyadoo dadka lagula wadaagi doono ujeedada booqashada wafdiga ee Magaalada Muqdisho iyo waxyaabihii shirkaasi looga hadlayba.

Shirkan ayaa noqonaya kiisii ugu sareeyay ee arrimahan looga hadlayo, laguna qabto Villa Somalia, mudadii saddexda sano ahayd, ee ay jirtay Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

About Author