Post View....

Soomaaliya oo Shiinaha ku garab istagtay Ol-olaha ka dhanka ah Xannuunka Corona Virus…..

0
62

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo kulan Magaalada Muqdisho kula yeeshay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian waxa ay kaga wada hadleen xaaladda China iyo kahor tagga cudurka Corona Virus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Shiinaha oo xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo.

Wasiir Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay in uu xiriir toos ah la leeyahay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dalka China oo ah goobta uu cudurka dilaaga ah ee ‘coronavirus’ uu ku faafay.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay la kaashan doontaa Dowladda China iyo Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Beijing si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo gaarsiiyo ardaydaasi waxa ay u baahan yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya waxa uu u xaqiijiyay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay garab istaagga Dowladda iyo shacabka Shiinaha oo wajahaya xaalad caafimaad.

Dowladda Shiinaha waxa ay la tacaaleysaa Xanuunka Corono Virus oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana feejignaan sare laga galay dadka u dhashay dalkaas ee u safraya dalalka kala duwan ee caalamka si aan cudurkaas u gaarin.

 

About Author