Post View....

Soomaaliya oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah ayax awgii.

0
84

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ku aaddan ayaxa, xilli cayayaankaasi uu si ba’an u saameeyay deegaanno ka tirsan Bariga Afrika.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid, ayaa BBC-da u sheegay in ayaxa oo ku degay deegaanno badan oo dalka ah uu khatar ku yahay wax soo saarka beeraha ee wadanka.

Waxaa jira walaac ku aaddan in khatarta ayaxa aan la xakameyn doonin ka hor xilliga uu dalaga soo go’ayo oo ku beegan horraanta bisha afaraad.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ayaxa uu yahay kii ugu badnaa ee ku dega Soomaaliya iyo Itoobiya 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay in ayaxa uu khatartii ugu ba’neyd muddo 70 sano ah ku hayo dalka Soomaaliya deriska la ah ee Kenya.

Ayax Badan

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika uga dhawaaqa xaaladda degdegga ah ee ku aaddan ayaxa.

Khubarada ayaa sheegaya in sababo ammaan awgeed aan diyaaradaha lagu buufiyo cayayaankan lagu adeegsan karin gudaha Soomaaliya.

Ayaxa ku habsaday Bariga Afrika ayaa la rumaysan yahay inuu ka soo kacay Yemen oo uu ka soo tallaabay Badda Cas. Roobabkii xoogganaa ee da’ay dabayaaqadii 2019 ayaa la rumaysan yahay inay saacideen faafidda ayaxa.

Cayayaankan ayaa la sheegay in maalintiiba uu jari karo masaafo dhan 150km, uuna midkiiba cuno karo dalag dhan culeyskiisa jireed.

Bishii December, ayax ku degay garoon ku yaalla Itoobiya ayaa sababay in halkaa ay ku degi weydo diyaarad rakaab siday. Diyaaradda ayaa markii dambe ku degtay garoonka caasimadda Addis Ababa.

Xigasho:BBCSomali

About Author