Post View....

Shirkad olog la ah Shabakadda Hormuud Telecom oo qarka u saaran in albaabada loo laabo (Waa maxay sababta?!)

0
103

Shirkad isgaarsiin oo muddo shan sano kahor ah laga hirgeliyay magaalada Muqdisho ayaa qarka u saaran in albaabada loo laabo, kaddib markii adeegyada Taleefanka iyo Data Internet-ka ay lunsatay lacago aan cadadooda si rasmi ah loo ogeyn oo ay u direen macaamiisheeda isticmaasha SIM Card-ka shirkadaasi.

Qaar ka mid ah macaamiisha sida aadka ah u isticmaasha adeegga shirkadda isgaarsiinta SOMNET ayaa shabakadaan uga warbixiyay qaabka lacagahooda looga dhacay, iyagoona sheegay inay waayeen cid ay u raacdaan kumanaan ruux oo qofkiiba bixiyay $05 markii ay taleefanka ku shubteen si ay u isticmaalaan adeegga Internet-ka saacado kaddib lagala baxay iyagoo aan helin adeegii ay u baahnaayeen.

XULASHADA: Akhriso wararka xiisaha leh

“Maamulka shirkadda isgaarsiinta SOMNET markii aan weydiiyay dhibaatada heysata macaamiisheeda oo aan aniga ka mid ahay waxay ii sheegeen in sharcigooda uu ka mid yahay haddii qofka $1 ama $05 (Hal ama laba Dollar) ku shubto taleefankiisa isla markaana isticmaali waayo muddo 24-saac gudahood shirkaddu la wareegeyso” ayuu yiri Suuley Axmed Rooble oo sheegay in tallaabadani tahay lunsasho hanti dadweyne.

Shirkadda isgaarsiinta SOMNET oo xiriir wada shaqeyn kala dhaxeeyo shirkadda weyn ee Hormuud Telecom ayaa la sheegayaa inay si weyn uga duwan tahay shirkadaha isgaarsiinta Somtel oo aanu ka dhaxeynin xiriir wada shaqeyn iyo Hormuud ee bixiya adeegyo la mid ah, ayaa haatan qarka u saaran in albaabada loo laabo kaddib markii uu hoos u dhac ku yimid tirada dadka isticmaala adeegyadeeda.

Warar aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in shirkadda SOMNET oo xarunteeda ugu weyn ku taalo magaalada Muqdisho uu leeyahay wiil uu dhalay ganacsadaha weyn ee Axmed Nuur Cali Jimcaale, iyadoona qaar ka mid ah gobolada dalka ku sii faafineysa adeegyadeeda isgaarsiineed ee ay ka cabanayaan shacabka Soomaaliyeed bacdamaa ay lunsatay dhaqaale fara badan.

Qaar ka mid ah macaamiisha shirkadda SOMNET ayaa ugu baaqay maamulka sare ee shirkadaasi inay wax ka bedelaan nidaamka ay ku xafidayaan lacagaha ay u diraan shirkaddaasi si ay ugu adeegsadaan baahiyahooda isgaarsiineed, kana waantoobaan falalka burcadnimada qaawan ah oo ay bulshada kula kacayaan.

Xafiiska Wararka Somaliweyn Media Center (SMC)
E-mail: [email protected]
Muqdisho – Soomaaliya

 

About Author