Post View....

Shir looga hadlayo arrimaha Garsoorka dalka oo Muqdisho ka furmay

0
58

Muqdisho:-Shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaaladda dalka halka uu marayo.

Sidoo kale sanadkii labaad ayaa shirkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay hey’addaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada Garsoorka dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in hey’aadaha Garsoorka laga dhigi doonno kuwo lagu kalsoonaan karo, waxaana dib u habeynta lagu sameyay hey’aadaha Garsoorka dalka.

About Author