Post View....

SHEEKH MUSTAFA: “Hadaan Soomaali nahay carada ayaa nagu badan” (Farriin ku socota wadaadada xagjirka ah iyo…)

0
60

Sheekh Mustafa Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudbad diini ah isla markaana ku saabsaneyd carada qofka Muslimka ah dhibaatooyinka ka dhalan kara, taasi oo uu sheegay in dadka Soomaalida ah qeybahooda kala duwan ay maanta u bateen kuwo carada ku badan tahay.

Sheekh Mustafa oo ka mid ah wadaadada fara ku tiriska ah ee leh aqoonta diinta Islaamka, axkaamta shareecada Islaamka iyo cilmiga maadiga ahna daaci muxaadarooyin u jeediya Soomaalida ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa sharaxaad ka bixiyay  qisooyin asxaabihii laga soo weriyay ayna ku sheegeen culimada in akhlaaqda qofka Muslimka ah ay ka kooban tahay saddex arrimood.

Waxa uu sheegay Sheekha qofka oo samaha ka shaqeeya, qofka sameeya wixii cunfiga ku fiican ee macruufka uu dadku wada qirayo iyo qofka sameeya inta dadka kale uga timaada aanu ku boodin.

“Hadaan Soomaali nahay carada ayaa nagu badan taasna kuma soo aroorin dhaqanka qofka Muslimka ah” ayuu yiri Sheekh Mustafa Ismaaciil oo muxaadaradiisa ku soo qaatay hadal laga soo xigtay saxaabigii gaalka ahaa ee Abii Sufyaan kaddib markii la weydiiyay 13-su’aal oo ku saabsan Nabi Muxamed NNKH, isagoo markaasi sheegay in haddii warka Nabiga laga sheegayo uu sax yahay Lugaha ka dhunkan lahaa.

Dhinaca kale Sheekha ayaa sheegay in dabeecadaha carada leh ee Soomaalida aadka ugu badan inay saameysay wadaadada, siyaasiyiinta, bulshada inteeda badan, isagoona sheegay in qofka aqoon kasta oo ay leedahay muhiim tahay marka hore ka wanaagsanaato dhaqanka iyo akhlaaqiyaadkeeda isla markaana haddii aanayna waxba ku tareyn cilmi kasta oo ay baratay.

AKHRISO WARAR KALE OO XIISO LEH

“Cafiga qaado dadkana samaha far” ayuu yiri Sheekh Mustafa oo ku booriyay dhammaanba shacabka Soomaaliyeed ee Islaamka ah inay ka fogaadaan carada, taasi oo uu sheegay in qofka Muslimka ah uu yahay mid dadka kheyrka gaarsiiya.

Somaliweyn Media Center (SMC)
Email: [email protected]
Muqdisho – Soomaaliya

About Author