Post View....

Shan Qodob oo muujineysa hab maamuuska madaxeed ee ay Itoobiya siisay Muuse Biixi+Sawirro

0
66

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay maqribkii gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Addis Ababa ayaa ku soo aaday, xilli magaalada uu ka socdo shir madaxeedka Midowga Afrika oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka Afrika, kana mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Inkastoo aan Somaliland loo aqoonsan dal madax bannaan, hadana socdaalka Madaxweyne Biixi ayaa ah mid ku dhisan martiqaad sharafeed oo ay u fidisay dowladda Itoobiya oo xiriir soke la leh.

Soo dhoweyn heer sare ah oo hab maamuuseed leh ayaa loo sameeyay wafdiga Madaxweynaha Somaliland, iyadoo uu garoonka diyaaradaha ee Bole uu ku soo dhoweeyay Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Aklilu Hailemichael.

Haddaba halkan waxaa ku soo koobeynaa shan qodob oo ku aadan hab maamuuska madaxeed ee ay Itoobiya siisay Madaxweynaha Somaliland

1- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxaa soo dhoweeyay Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya iyo Madaxa Xafiiska Somaliland ee Addis Ababa, iyadoo roog cas loo fidiyay.

2- Madaxweyne Muuse Biixi waxaa la socday askari u qaas ah oo labisan waana nidaam caalami ah madaxda caalamkana lagu yaqaano. waxaana loogu yeeraa. AIDE-DE -CAMP.

3- Qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Bole waxaa ka muuqday calanka Somaliland oo kursiga uu fadhiyay gadaashiisa.

4- Madaxweynaha waxaa lagu qaaday baabuurka hab-maamuuska waliba gaariga uu saarnaa waxaa la suray calanka Somaliland oo ka babanayay qeybta hore ee gaariga

5-Kolonyada Madaxweyanaha wadada ayaa loo xiray ilaa hotelkii looga galbiyay

Dhammaan qodobadan ayaa muujinaya maqaamka caadiga ee madaxda Caalamka la siiyo marka ay dal kale booqanayaan.

About Author