Post View....

SAWIRRO: Jubbaland oo soo bandhigtay ciidan & Hub loogu talagalay qabashada Baladxaawo

0
60

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamulkaas,kuwaas oo maalmahaan howlgallo kala duwan ka waday tuulooyin hoostaga Dhoobleey.

Ciidamadan ayaa isugu jira ciidanka booliska, ciidanka nabad-sugidda iyo ciidanka Daraawishta Jubbaland, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay u diyaarsan yihiin la dagaalka Al-Shabaab  iyo cid kasta oo cadaw ku ah Maamulka Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyaha Taliyaha degmada Dhoobleey Gaashaanle Dhexe Heybe Axmad Cabdulaahi oo Ciidamada kula hadlayay duleedka Dhoobleey ayaa u sheegay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo xoreynta deegaano ka maqan gacanta Maamulka Jubbaland.

Dhoolatuska Ciidamo ka tirsan Jubbaland ay kusoo bandhigeen degmada Dhoobleey ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli xiisad u dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay degmada Beled-Xaawo we Gobolka Gedo.

   

About Author