Post View....

SAWIRO:Jubbaland oo sheegtay in howlgal lagu diley Xubin ka tirsan Al-Shabaab+Magacyada

0
68

Laamaha Amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen howlgal ay sheegeen in laga fuliyey Galbeedka Magaalada ksimaayo,isla markaana ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa sheegay in howlgalka oo ka dhacay deegaanka Beerxaani gaar ahaan aaga Labi-kuus lagu diley ubin ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in howlgalkaas sidoo kale lagu soo qabtey Qori Ak-47 iyo saanad kale oo ciidan sida uu watey Xubinta ka tirsanaa Al-Shabaab ee la diley sida uu hadalka u dhigey.

Marka laga soo tago Warkaan ksoo yeeray Laamaha Amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland majiraan warar madax bannaab oo xaqiijinaya,welina dhankooda kama hadlin Al-Shabaab.

About Author