Post View....

SAWIRO:-Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Galmudug xili warar shegayaan in…

0
54

Madaxweynaha Cusub ee Dolwad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa uu kula kulmey Odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada ula Shaqeyn lahaayeen Maamulka Cusub ee Galmudug loona bilaabi lahaa dib u heshiisiin.

”Waxaan maanta kulan wadatashi ah la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxa ay muujiyeen garab istaaga Maamulka cusub ee Galmudug si loo gaaro horumar iyo midnimo loo dhanyahay ayuu yiri”Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha Cusub ee Dolwad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa horey ula kulmey Dhalinyarada Galmudug,saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo qaar kamid Bulshada deegaannada Galmudug.

  

About Author