Post View....

Murashax Madaxweyne Galmudug Oo Iskaga Soo guuray Dhuuso mareeb+Sababta

0
69

Mid kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha Galmudug Utaagnaa ayaa maanta gebi ahaanba iskaga soo guuray oo soo geba gabeeyey Hamigiisii Doorashada Ee Dhuuso mareeb.

Murashax Kamaal Daahir Guutaale ayaa boorsooyinka kasoo xir xirtay Doorashada Galmudug isagoo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Waxa uu sheegay Kamaal Guutaale inuu go’aan ku gaaray in uu Ka tanaasulo Hankiisii Doorashada.

Waxa uu Kamaal sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dhaqantay waxa la yiraahdo “Cadkaanoow Ku Cuni waayey Ku Ciidee” ayna iyagu gar waaqsadeen inaysan uga darin Arimaha Galmudug.

Kooxda Ololaha Doorashada uwaday Kamaal Guutaale waxay sheegeen inaysan Bishii ay joogeen Dhuuso mareeb helin wax umuuqday Cadaalad doorasho oo Dawladu fara gelin weyn sameysay.

Berri oo Axad ah waxaa Dhuuso mareeb ka dhaceysa Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne Kuxigeenka,waxaana sida ay ubadan tahay kusoo bixi doona Axmed Cabdi Qoor qoor Madaxweynaha Cusub Halka kuxigeenkiisa laga yaabo in Maxamed Xaashi Carabeey kusoo guuleysto.

About Author