Post View....

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaan karaantiilka cudurrada halista ah? Maxayse ka qabatay DF Somalia?

0
61

Meel haddii uu Cudur Xun oo faafa ka dillaaco lama galo lagamana baxo,khaldaadka ay Dowladaha dunida qaarkood samaynayaan waxaa ka mid ah in ay China ka soo daabulaan dadkooda,taas oo keeni karta inuu cudurkaas dunida si sahlan ugu faafo.

Islaamku wuxuu 15 qarni ku dhowaad ka hor la yimid fikrad cudurada halista ah kolka ay dillaacaan lagu karantiilo.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-


2931 إذا سمعتم بالطاعون في أرض فلا تدخلوها وإذا وقع بأرض وأنتم بها فلا تخرجوا منها [ فرارا منه ] . وفي رواية إن هذا الوجع أو السقم رجز عذب به بعض الأمم قبلكم ثم بقي بعد بالأرض فيذهب المرة ويأتي الأخرى فمن سمع به في أرض فلا يقدمن عليه ومن وقع بأرض وهو بها فلا يخرجنه الفرار منه ).
متفق عليه.

“Haddii aad Cudur xun oo faafa aad waddan ku maqashaan ha galina Waddankaas,haddii uu Cudurkaas ka dillaaco dhul aad joogtaana ha ka bixina idinka oo ka cararaya cudurkaas”.
Riwaayad kalana waxa ay tiri:”Cudurada xunxun waa canaan lagu ciqaabay ummadihii idinka horeeyay qaarkood,ka dibna dhulka ayuu ku baaqi noqday oo kolna wuu tagaa oo la waayaa kolna wuu yimaadaa oo soo noqdaa,ee qofkii maqla in dhul cudur xun ka dillaacay yuusan aadin,haddii uu joogayna yuusan ka bixin,isaga oo ka cararaya cudurkaas”.

DF Somalia weli ma qaadin wax tillaabo ah oo ay ku joojinayso safarrada ka imanaya ama u socda Shiinaha ee Somalia ku xiran, sidoo kale waxaa jira dayuurado caalami ah oo Shiinaha taga misna Somalia yimaada sida Ethiopian.

W/D: Bile Gurxan Axmed

About Author