Post View....

Maxaadan Ogeyn Oo Maanta Ka Dhacay Caasimada Muqdisho?

0
79

Waxaa maanta laga bilaabay Magaalada Muqdisho arin in muddo ah dadka ay wada dhowrayeen taas oo dhalinyarada farxad ka muujiyeen.

Muddo dib udhis iyo qurxin lagu waday Tuulada Ciyaaraha Muqdisho Ee Isbartiibada waxaa hadda ay udiyaar noqon doontaa in lagu qabto kulamo ciyaareed.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxay maanta daah furtay Roogga Macmalka ah Ee La fidiyo Garoomada Ciyaaraha.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga Maamulak Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax waxa uu sheegay inay muhiim tahay arintaan oo dad badan ay Nabad gelyo usoo daawan doontaan Garoonka iyo Kulamada ka dhici doona.

Sidoo kale Agaasimaha Wakaalada Dhismaha Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa dhankiisa muujiyey inay Shaqo badanoo la qabtay kadib usuurta gashay heerkaan in lasoo gaaro.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed GOS C/qani Siciid ayaa wax lagu amaano ku sheegay Dawlada Soomaaliya Waxbadka muuqda,ay ka sameysay Isbartiibada Xamar,iyadoo Hadda Garoonka Eng,Yariisoow Keliya lagu qabanayey Kulamada balse hadda ay Stadium Muqdisho diyaar laga dhigayo.

        Â