Post View....

Maxaa loogu hanjabay dhakhtarkii ugu horreeyay ee ogaaday caabuqa Corona?

0
62

Horraanti bishii January, hay’adaha dowliga ee magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa isku dayay iney qariyaan warka ku saabsan cudurka Cornavirus. Mid ka mid ah dhakhaatiirta magaaladaasi ayaa isku dayay inuu dhakhaatiirta kale ku wargaliyo halista cudurka dillaacay. Laakiin ciidamo ka tirsan booliska ayaa dhakhtarkaas u tagay, waxayna u sheegeen inuu joojiyo digniinta.

Bil kaddib dhakhtarkii laftiisa waxaa haleelay cudurkii, isaga oo oo sariirta bukaanka saaran ayuu sheekadiisa la wadaagay bulshada, waxaana lagu tilmaamay halyeey.

Farriinta uu dhakhtarka gudbiyay waxay ku billaabmeysay sidan: “dhammaantiin waad salaaman tihiin, waxaan ahay Li Wenliang, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada indhaha oo ku sugan isbitaalka guud ee magaalada Wuhan”.

Waa fajaciso layaab leh oo ku saabsan jawaabta ay ka bixiyeen mas’uuliyiinta maamulka Wuhan markii ugu horreysay uu cudurka Coronavirus dillaacayba.

Dr Li wuxuu ka shaqeynayay isbitaalkaas markii uu bishi December cudurkaasi dillaacay, xilligaas oo uu arkay ilaa 7 bukaan oo qaba calaamado u eg caabuqa Sars, oo ah cudurkii dunida khalkhal galiyay sanadkii 2003-dii.

Waxaa xilligaaasi la sheegayay in cudurka uu ka yimid suuqa lagu iibiyo hilibka xayawaannada badda, oo ku yaalla Wuhan, iyada oo bukaanada cudurka laga helayna Isbitaalka lagu karantiilay.

30-kii bisha December wuxuu farriin u diray dhakhaatiirta ay shaqa wadaagga yihiin isaga oo farriintiisa ku sheegay cudurka dillaacay waxa uu yahay, si ay isaga ilaaliyaanna ay xirtaan dharka iyo qalabka cudurkaasi looga hortagi karo.

Balse dhakhtarku xilligaasi ma ogeyn in cudurkaasi uu yahay caabuqa cusub ee coronavirus.

Dr Li wuxuu farriintiisa ku baahiyey WeiboLahaanshaha sawirkaWEIBO
Image captionDr Li wuxuu farriintiisa ku baahiyey Weibo

Afar maalmood kaddib waxaa booqday mas’uuliyiin ka socday xafiiska sirdoonka bulshada iyaga u sheegay inuu saxiixo warqad ay sideen. Waxaana warqadda inuu saxiixa laga dalbaday lagu soo eedeeyey “Inuu warar been abuur ah oo khaldan faafinayay” taasoo wax u dhintay “xasiloonida bulshada”.

“Waxaan kaaga digeynaa: haddii aad ku sii socota bulshada inaad marin habaabiso, dhaqan xumida iyo inaad falkan sharci darrada ku sii socoto in caddaaladda lagu horgeynayo ma fahantay? Warqadda qaybteeda hoosana Dr Li ayaa ku qoray “Haa, waxa aad iga dalbateen waan sameeynayaa.”

Wuxuu Dr Li ka mid yahay siddeed qof oo ay booliska baaritaan ku sameeyeen oo ay ku eedeeyeen “iney baahiyeen warar aan jirin”.

Dhammaadkii bishi January Dr Li wuxuu barta xiriirka bulshada ee Weibo ku daabacay nuqul ka mid ah warqadda ay booliska u geeyeen, isaga oo weliba sharraxaad ka bixiyay waxa dhacay. Waxyar kaddibna laamaha ay quseyso wey ka raalligeliyeen wixi dhacay isaga oo sheegay iney raalli gelintooda la soo daaheen.

Warqadda ay Dr Li booliska ka saxiixeenLahaanshaha sawirkaLI WENLIANG
Image captionWarqadda ay Dr Li booliska ka saxiixeen

Markii uu 10-kii January warqadda soo dhigay bartiisa Weibo wuxuu billaabay inuu qufaco, maalintii xigtayna xummad ayaa qabatay, laba maalin kaddibna isbitaalka ayaa la dhigay. Sidoo kale waalidiintiisa oo iyaguna bukooday waxaa la dhigay isbitaalka.

10 maalmood kaddib oo ku beegneyd 20-ka January Shiinaha wuxuu shaaaciyey inuu dalkiisu ka dillaacay cudurka coronavirus, islamarkiina waxaa billowday howlaha gurmadka.

Dr li wuxuu sheegay in marar badan laga baaray cudurka Cornovirus balse baaritaannada lagu sameeyey oo dhan looga waayay cudurka.

Dr Li WenliangLahaanshaha sawirkaWEIBO
Image captionDr Li Wenliang waxaa lagu eedeeyey inuu war xan ah uu baahiyey

30-kii bishii January wuxuu mar kale baahiyey farriin: “Baaritaan kale oo lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu cudurkii uu markii ugu horreysay ka digayay haleeyay, kaddibna sidaa ayaa dawo loogu billaabay.”

Farrinta ugu dambeysay ee uu baahiyeyna kumannaan dad ah ayaa ka tala dhiibtay iyada oo dad badanna ay taageero u muujiyeen.

About Author