Post View....

Maxaa Ka Cusub Caawa Beled Xaawo Kadib Dagaalkii Maanta Dhacay?

0
59

Sida ay inoo sheegeen dad kusugan Gobolka Gedo meelo ka mid ah dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa,iyadoo Beled xaawo ay maanta Dagaal marti gelisey.

Waxaa ku diriray Buula xaawo Ciidamada Dawlada Dhexe iyo kuwa Dawlad Gobolleedka Jubbaland,waxaana halkaasi ku dhintay afar Askari oo Dawlada iyo Jubbaland ka kala tirsanaa.

Xaalada Beled xaawo waa ay yara deggan tahay balse Bandow dadka ay isa saareen ayaa jira oo waxaa istaagay dhaq dhaqaaqii guud Ee Magaalada.

Wariyaha gaarka ah Ee Wasiir Janan Oo Kusugan Gobolka Gedo waxa uu soo sheegayaa in dhiilo colaadeed ay sidoo kale ka jirto Degmada Dooloow oo Dawladu ay Abuurtay Xiisad dagaal.

Maxamed Qani Kuusoow ayaa sheegay in Degmooyinka Gedo ay Nabad aheyd balse Dawlada Federaalka ay umuuqato mid kasii dartay Xaalada ka jirtay Deegaanka.

Ma jirto war kasoo baxay dhanka Dawlada Maamulka Gobolka Gedo Uqaabilsan oo ay kaga hadlayaan Xaalka Gobolkaasi iyo Dhaq dhaqaaqyada ciidan Ee iska soo horjeeda.

About Author