Post View....

Magaaalada Wuhan cudurka Corona awgii dhawaan aroos kama dhicin

0
63

Sanadkii 2003 oo cudurka SARS uu faraha ba’an ku hayay caalamka ayaa dowladda Shiinaha waxay gaadiidka dadweynaha ku buufisay dawooyinka jeermiska dila, waxaana ujeeddadu ahayd in lala dagaalo fayraska cudurkaasi iyo in shacabka loo muujiyo in dowladdu ay ka dadaaleyso sidii ay cudurkaasi ula tacaali lahayd.

Rakaabka gaadiidkaasi isticmaala oo aan ogayn in la buufiyay kuraafta ay ku fariisanayaan ayaa marka ay gaadiidkaasi ka gedgaan waxay arkayaan dharkoogi uu riinji baxay.

Balse haatan xaaladdu sidaa waa ay ka duwan tahay. Mas’uuliyiinta dalkaasi Shiinaha ayaa albaabada isugu dhuftay magaalo dhan oo ay ku nool yihiin 11 milyan oo qof, waxa ayna dadka kula talisay in aysan guryaha ka soo bixin. Dadka guryahooga ku go’doonsan ayaa billaabay qaabab cusub oo ay isaga difaacayaan cudurkaasi Corona.

Waxyaabaha dadku afka ku duubtaan si ay uga gaashaantaan fayraska cudurkani ayaa dalka Shiinaha ka noqday lagama maarmaan sidaa awgeedna sare kac ayaa ku yimid qiimaha lagu kala iibsado. Tusaale ahaan magaalada Xiamen oo 1000km koonfur kaga beegan magaalada Wuhan ee uu cudurkaasi ka soo billowday ayaa mas’uuliyiintu waxay billaabeen bakhtiyaanasiib ujeedadiisu tahay in dadku ay safaf u galaan iibsashada qalabkaasi afka lagu xirto ee looga gaashaanto fayraska Corona.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa faallo uu ku qoray intarneedka waxa uu ku sheegay in ay la yaab ku noqotay in bakhtiyaanasiib uu u galo sidii uu u heli lahaa qalabkaasi halka waayadii hore uu u gali jiray in uu ku guuleysto guri ama gaari.

Inkastoo qalabkaasi uu dahab ka noqday gudaha Shiinaha, haddana ma cadda in looga badbaadi karayo cudurkaasi iyo in kale. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegeysa in qalabkaasi oo la xirto aysan ku koobnayn ka hortagga fayraskaasi balse ay muhiim tahay in dadku ay gacmaha dhaqdaan.

Heer waxay gaartay dadka deggan xaafadaha qaar ay iska celiyaan dadka kale ee ka yimid xaafadaha kale in ay soo booqdaan, waxaana la arkayay sawirka nin sidii askari janaraal ah u lebbisan oo bannaanka la taagan qoraal muujinaya in dadka xaafadaha kale ka yimid aan laga ogolayn xaafaddooda.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Haddii magaalada wax looga baahdo waxaa qoysaska lagula taliyay in hal qof oo kaliya ay u dirsadaan, qofkaasi oo macluumaadkiisa meel lagu qorayo.

Shirkadaha dadka guryahooga ugu geeya cunnooyinka iyo waxyaabaha kale ee ay dalbadaan ayaa billaabay in adeeggaasi ay sidaan ay dhigaan goobo cayiman si shaqaalaha shirkadahaasi iyo dadka ay u adeegayaan aysan isu arag.

Nolashii oo adkaatay

Axaddii la soo dhaafay oo taariikhdu ay ku beegnayd 2-da Febraayo ayaa muhiim u ahayd lamaaneyaasha dalkaasi ee doonaya in ay is-guursadaan. Haseyeeshee, maamulka Beijing ayaa diiday in uu diiwaan geliyo lamaanayeyaasha is-guursanaya si looga fogaado in dad badan ay safaf u soo galaan arrintaasi.

Isla maalintaasi waxa uu dhul gariir ku dhuftay gobolka Sichuan oo qiyaastii 1,000km dhanka galbeed ka xigo magaalada Wuhan. Dadka gobolkaasi ayaa waxaa isu qabtay laba daran mid dooro oo ah in ay bannaanka u cararaan oo ay dad kale la kulmaan ka dibna ay qaadaan cudurkaasi Corona iyo in ay guryahooga ku ekaadaan oo ay ku soo dumaan. Nasiib wanaagse ma jirin guri dumay iyo qof dhintay toona.

Iskuulladii ayaa la xiray, waxaana ardaydu khasab ku noqotay in casharradoodu ay ku qaataan intarneedka.

Screenshot of a video showing a resident using a toothpick to press the button inside a lift.Lahaanshaha sawirkaTIKTOK

Saynisyahaannada ayaa sheegaya in fayraska cudurkani uusan dibadda ku noolaan karin muddo badan sida fayraska dhaliya cudurka Sars.

Balse iyadoo khubaradu isku dayayaan in ay tallaal u helaan cudurkani ayaa haddana dadka karantiilka ku jira ee Shiinaha waxay la yimaadeen qaabab kale oo ay kaga hortagayaan faafitaanka cudurkaasi.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

About Author