Post View....

Madaxweyne Waare oo qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey

0
64

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Beledweyne ku qaabilay Wafdi ka-socda Qaramada Midoobey  oo gaaray halkaasi kuwaasi oo u kuur galaya Xaaladda Barakacayaasha Beledweyne ku nool.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR ee bariga Africa Maxamed Cabdi Afey.

Ujeedka safarkoodu uu ahaa sidi xal waara looga gaari lahaa dib u dejinta arrimaha arrimaha Barakacayaasha.

Kulanka waxaa waxaa goob joog ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan Degmada.

About Author