Post View....

Madaxweyne Geelle: Awoodda Al-Shabaab qarax ayay ku soo uruurtay Somalia waan ka tageereynaa dagaalka

0
55

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa diiday aragtida ah inay muddooyinkii ugu dambeysay korortay awoodda Ururka Al Shabaab, marka aad fiiriso weerarada ay gaysanayan.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inaanu isagu qabin inay korortay awoodda Ururka Al Shabaab, iyadoo uu laba u kala qaaday marka uu cadowgu carqalad ku yahay dalkiisa iyo marka uu dal shisheeye ku yahayba.

“Anigu ma qabo inay soo korortay. Cadowgu marka uu duulimaad dalkiisa ku yahay waa mid, marka uu dal kale oo shisheeye uu ku yahayna waa mid kale.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu Shabaabku xilligan arko horumarada muuqda ee dalka ka jira iyo dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka Sida, tan iyo markii ay bilaabeen inay dalka ka dagaalaman, sanadkii 2007-dii.

“2007-dii ayay dagaalkoodu bilaabeen, wadanka Soomaaliyana inuu soo dhismayo way arkayaan, inuu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii xagga amniga ka haystayna way arkayaan, in ciidamadu iminka tababaro wanaagsan qaataana way arkayaan, in laga gacan-sareeyana way arkayaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jabuuti oo la hadlay VOA ayaa qaba inay awoodda Shabaabka ku soo uruurtay qarax waddo lagu aaso iyo gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay inay wax ku weeraraan, balse ay aad u yar tahay dagaalada tooska ah, ee ay la galayaan ciidamada dagaalka kula jira.

“Ayagu in wax dagaal ah ay u bareeraan aad ayay u yar tahay, laakiin qarax meel la dhigo, baabuur lagu soo xiro walxaha qarxa, waxaas ayay u badan yihiin nimanku.” Ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Militariga Jabuuti ayaa qayb ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Dowladda Somaliya ka caawinaya suggida amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

 

About Author