Post View....

Madaxda DFS oo ku biiray suuq ganacsi oo Soomaalida dhan hadal heyso iyo Xil Fiqi oo waxbadan kashifay

0
64

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Ayaa waxa uu ka mid yahay Golaha Shacabka Soomaaliya waxaana uu ka hadlay Mushaarka ciidamada Qalabka sida oo aan lasiin bishii lasoo dhaafay.

Fiqi waxa uu ka mid yahay Xubnaha Mucaaradka ku ah Dawlada Soomaaliya,waxa uu marar badan soo gudbiyey Eedo culus,isagoo maanta sheegay in musuq weyn hadda uu jiro.

Xog uu helay waxa uu sheegay in Madaxda Qaranka ay Lacagtii Mushaarka ciidamada Bishii Janaayo 2020 ay ku darsadeen Suuqa sarifka Lacagaha Qalaad Ee FOREX si ay faa’iido uga sameeyaan iyaga u gaar ah.

Waxa uu qoraal uu soo dhigay kaga hadlay Arimahaas isagoo Eedeyn culus ujeediyey Madaxda Dawlada Soomaaliya.

About Author