Post View....

Macmuuca xarafka “xanuun baabi’iye” si dadka ay isaga yareeyaan dawada

0
65

Erayga “painkiller” oo ah “xanuun baabi’iye” waa inaan loo adeegsan waxa dadka ay aaminsan yihiin ee ah in xanuunka uu dawo u yahay, sida ay lataliyeyaal dowladda Britain ah ay ku doodayaan.

Prof Jamie Coleman wuxuu sheegay in ereygaas oo dhaliyay waxyaabo dadka ay fishaan oo aan macquul ahayn – sida in uu xanuunka baabi’iyo ama yareeyo iyo in dawo ka fiican aan la heleyn.

Cilmi baaris ayaa muujineysa in mid ka mid ah 10-kii qofba uu raadiyo kaniin xanuun baabi’iye ah oo muddo jirkiisa ku jiri kara, taas oo keeneysa in kaniinnada aadka u culus ay liqaan.

woman holding pills

Barfasoor Coleman wuxuu sidoo kale sheegay in uu daneynayo in la joojiyo tukaamada yaryar iyo farmeshiyada iibiya xanuun baabi’iyaha hooseeya, iyadoo dhaqtar uusan qorinna siiya dadka doonaya.

Wuxuu sheegay in xitaa dawooyinka tayadoodu hooseyso ay noqon karaan kuwo ay dadka la qabsadaan, waxyeello caafimaadna u geysan karaan aayaha dambe ee dadka isticmaala, sida inay matagaan iyo dawakhaad.

Warbixin ay sanadkii lasoo dhaafay daabacday waaxda Adeegga Caafimaadka Dadweynaha ee England (PHE) ayaa looga digay inaysan waxyeello kasoo gaarin dawooyinka ay iska qaataan iyagoo aan loo soo qorin.

Dawooyinka laga digay waxaa ka mid ah kuwa xanuunka baabi’ia, kuwa loo qaato walwalka iyo dawooyinka hurdada.

Nooca dawada ee loo yaqaanno “Opioids” sida codeine iyo morphine, ayey dhakhaatiirtu u qoraan si xanuunka loogu xakameeyo.

Laakiin sida guud waxaa isbitaallada loogu isticmaalaa bukaannada qaba xanuunka kansarka, iyo bukaannada dhimanaya.

A pill box and pills

Dhakhaatiirta qoysaska ayaa sidoo kale dawooyinkaas u qora bukaannada qaba xanuunnada muddo dheer socda.

Cilmi baarista PHE ayaa lagu ogaaday in sanad kasta dawooyinkaas la siiyo in ka badan 5 malyan oo ruux – kuwaasoo 1.2 malyan oo ka mid ah ay qaataan ugu yaraan 12 bilood oo xiriir ah.

Barfasoor Coleman, oo ah khabiir ka tirsan jaamacadda Birmingham, wuxuu sheegay in loo baahan yahay hab-dhaqan loo wajaho isticmaalka dawooyinka xanuun baabi’iuaha ah, maadaama ay waxyeelladoodu sii korodhay.

Dawooyinka loo yaqaanno Painkillers ‘waxay noqon karaan kuwo nolosha baddala’

Dr Cathy Stannard, oo ah lataliye dhinaca xanuunnada ah oo ka tirsan xarunta NHS Gloucestershire, islamarkaana horay u fulisay daraaad lagu sheegay in 10-kii qof ee kaniinnada xanuun baabi’iyaha qaadata uu mid ka mid ah kaliya ku faa’iido, ayaa sheegtay inay taageersan tahay arrinta ku saabsan in dib loo fakaro.

“Waxaan u maleynayaa inaan si xad dhaaf ah u qaadanno dawadaas. Dhakhaatiirta qoysaska ma helaan wakhti ay uga sal gaaraan dhibaatooyinka heysta bukaannada.

“Dadka qaarkiis, kaniiniga painkiller-ka “xanuun baabi’yaha”, waxay u noqon karaa kuwo baddala noloshooda, laakiin kuwo badan waxba uma taro, ayey tiri”.

Laakiin waxay intaas ku dartay in dhibaatooyinka laga arkay UK gudaheeda aysan gaarsiisneyn heerka kuwa ka jira Mareykanka, halkaasoo ay ku bateen dhimashooyinka ay sababaan dawooyinka.

About Author