Post View....

Maamul Cusub oo loo Magacaabay Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Sh/Hoose

0
67

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Jajax ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii deegaanada Sabiib iyo Caanoole, isagoona maamul Cusub u magacaabay deegaanadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Jajax ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee deegaanada Sabiib iyo Caanoole loogu magacaabay inuu noqdo Maxamed Abuukar Axmed (Baahiye), isagoona bedelaya Guddoomiyihii hore ee deegaanadaas Mukhaar Cabdi Dhuxul.

Maxamed Xasan Maxamuud (Manqaas) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Ibraahin Jajax ayaa maamulka Degmada Afgooye iyo laamaha amniga faray inay la shaqeeyaan maamulka Cusub ee deegaanada Sabiib iyo Caanoole.

About Author