Post View....

Kulan-howleedka looga doodayo nidaamka Cadaaladda iyo Amniga ee federaaleynta oo Muqdisho ka furmay.

0
73

Kulan howleedka shaqo ee Hanaanka Cadaaladda Federaalka iyo masuuliyadaha Amniga ee la xiriira dib u-eegista dastuurka ayaa ka furmay muqdisho. Waxaan ka soo qayb galay kulanka wasaaradaha Cadaaladda, Amniga iyo khuburro Soomaali iyo caalami ah.

kulanka oo ay si wada jir ah usoo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Arr. Gudaha ayaa muddo laba cisho ka socon doona magaalada muqdisho waxaana lagu soo bandhigi doonaa hannaanka cadaaladda ee federaalka ah iyo masuuliyadaha amniga iyo nuuca booliska federaalka iyo sida ay u wada shaqaynayaan boliska federaalka iyo kan dowlad goboleedka iyo awoodaha ay kala leeyihiin.

Wasiirka Dastuurka Saalax Ahmed Jamac iyo Wasiirka Arr. Gudaha Abdi Mohamed Sabriye ayaa si wadajir ah u furay kulanka, Wasiirka arrimaha gudaha XFS Abdi Mohamed Sabriye oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalku ay ku howlantahay sidii loogu kala saari lahaa awoodaha ay kala leeyihiin labada heer dowladeed ee heer federal iyo heer dowlad goboleed kadibna wadaxaajood siyasadeed looga geli lahaa.

“Waxaa muhiim ah in la caalaameeyo awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo labada heer dowladeed, kadibna heshiis siyaasadeed laga gaaro si loogu qoro dastuurka” ayuu yiri wasiir Sabriye.

Wasiirka dastuurka XFS Mudane Saalax Ahmed Jaamac oo kulanka furay ayaa sheegay in kulamadaan ay tahay ujeedadoodu in la caddeeyo ama la qeexo awwodaha jira kadibna loo asteeyo hadba heerka dowladeed ee awoodda u leh iyadoo la eegayo mabadiida daadejinta, sinnaanta iyo midaynsnaanta (subsidiarity and uniformity principles).

“Astaynata awoodaha ee labada heer ee dowladeed waa in marka hore la qeexo awoodaha jira, kadibna loo asteeyo heerka ay tahaya, inuu uu dejiyo sharciyadda, inuu maamulo, maalgeliyo iyo inuu fuliyo iyadoo lagu salaynayo mabaadiida daadejinta (subsidiarity), midaysnaanta (uniformity) iyo caddaladda iyo sinnaanta” ayuu yiri wasiirka Saalx Ahmed Jaamc.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulan kale oo dirradda lagu saarayay awood qaybsiga u dhexeeya labada heer ee dowladeed sida waxbarashada, caafimaadka, khayraadka, shaqada iyo shaqaalaha, isgaarsiinta iyo kuwa kale, kaa oo ay ka soo qayb galeen khuburoo soomaali iyo caalami ah.

Gabagabadii, Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa hannaanka cadaaladda ee federaalka, masuuliyadaha amniga iyo hannanka booliska ee fedeeraalka iyo sida loogu kala qaybiyo awoodaha labada heer ee dowladeed, kadibna waxaa laga soo saari doonaa warbixin ku aadan nuuca cadaalada iyo hannaanka amnig fedraalka, si heshiis suyaasadeed looga gaaro kadibna loogu qoro dastuurka.

About Author