Post View....

Kenya oo soo Bandhigtay Tirada Dadka ku dhintay Weeraradii Al-Shabaab ee 2019.

0
75

Hay’adda lagu magacaabo Xarunta Xuquuqda Aadanaha iyo Daraasaadka Siyaasadda ee (The Centre for Human Rights and Policy Studies (Chrips) ayaa Warbixin cusub oo ay soo saartay lagu sheegay inay 83 qof oo u dhashay dalka Kenya ku geeriyoodeen weeraradii ay Alshabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya sannadkii tegay ee 2019.

Warbixinta Hay’adda Xarunta Xuquuqda Aadanaha iyo Daraasaadka Siyaasadda ee (The Centre for Human Rights and Policy Studies (Chrips) waxaa lagu sheegay in 20% kordheen dadka lagu dilay weeraradda dagaalamayaasha Alshabaab marka loo eego sannadkii 2018-kii oo ay weeraradaasi ku geeriyoodeen 56 qof oo u dhalatay Kenya.

Warbixinta oo loogu magac daray Weeraradda iyo Xariga aan sharciga ahayn waxaa kaloo lagu sheegay in 42 Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Ammaanka lagu dilay weeraradda tooska ee Alshabaab la begsadaan Ciiddanka Kenya.

Waxaa kaloo lagu muujiyeywarbixinta inay tirada ugu badan ee dadka rayidka ee ku geeriyootay weeraradda Alshabaab sannadkii hore uu ahaa weerarkii ka dhacay Hotelka Dusit 2 ee Nairobi, kaasi oo dhacay bishii Janaayo 15-dii ee sanadkii hore, kuna geeriyoodeen 20-qof, waa sida Warbixinta lagu xusay.

Dhinaaca kalana Warbixinta Hay’adda Xarunta Xuquuqda Aadanaha iyo Daraasaadka Siyaasadda ee (The Centre for Human Rights and Policy Studies (Chrips) ka soo baxday Xarunta Xuquuqda Aadanaha iyo Daraasaadka (Chrips) waxaa lagu sheegay inay Hay’addaha Ammaanka Kenya sanadkii hore xireen 135 qof oo lagu tuhunsanaa inay xiriir la leeyihiin Alshabaab, kuwaasi oo ay ku jireen 44 u dhalatay Kenya iyo 12 qof oo Shisheeye ah, kuwaas oo loo xiray tuhun Shabaabnimo.

Ugu dambeyntii Warbixinta waxaa lagu cadeeyay in Eedeysanayaasha shisheeyaha ee lagu xiray Kenya sanadkii hore ay ka soo kala jeedaan Britain, Ethiopia, Canada, New Zealand, Tanzania iyo 4 kale oo aan weli la xaqiijinin dalalka ay ka soo kala jeedaan iyada oo ay kordheen weerarada Alshabaab ay ka geysnayaan gudaha dalka Kenya.

About Author